Laga bilaabo Maajo 11, 2023, Saraakiisha Caafimaadka Dadwaynaha ee Oregon ayaa meesha ka saaray talaabooyinka kaladuwan ee gurmadka COVID-19 maadaama xaalada degdega ah ee federaalku dhammaatay. Xog badan oo ku saabsan isbadelladii ugu danbeeyay ka fiiri halkaan.
Daryeelida dadka kale
Taageerida daryeelayaasha
Dhawr caafimaadka intaad daryeelayso ehelkaaga guriga jooga.
Haddii aad daryeelayso qof khatar wayn ugu jira inuu aad ugu xanuunsado COVID-19 (sida qof waayeel ah ama qof qaba xanuun daran) waxaad qaadi kartaa talaabooyin si aad u ilaaliso caafimaadka labadiinaba.
Ka codso dhakhtarkooda daawo dheeraad ah. Hayso agab dheeraad ah, daawada qandho jabinta iyo cuntooyinka aan qurmin oo diyaar ah.
Waxyaabaha jeermiska si adag uga sifee, sida qataarada, batoonnada nalka laga daaro iyo dusha qaanadaha maalin kasta.
Haddii aad jirato, diyaarso daryeele kaabid ah oo samayso liiska dadka xariirka degdega ah.
Isha ku hay caafimaadka qofka oo feejignaan dheeraad ah sii astaamaha COVID-19.
Haddii uu yeesho astaamaha COVID-19 la xariir dhakhtarkiisa.
Xaqiiji in goobaha wadaaga ah ee guriga ay hawo fiican leeyihiin, sida inaad furto daaqadaha ama isticmaal mashiinka hawada.
Xiro maaskaro iyo galoofis la tuuri karo oo ka fogoow qofka inta suuragalka ah intaad daryeelka siinayso.
Bogaga la xariir
Taageerida qoysaska ay carruurtu u joogaan
Daryeelka caruurta
Si aad u hesho caawimaad ku aadan daryeelka carruurta, wac 211 ama booqo Hel Daryeel Ku yaala Oregon.
Kala hadlida carruurta COVID-19
Waxay noqon kartaa wax dhib badan inaad carruurta kalahadasho COVID-19. Kuwaani waa ilo ku caawin kara.
Guji halkaan si aad u hesho sawirada kaartuunka ah oo sharxaaya sababta ay tahay inaad qaadato talaalka COVID-19, oo ku qoran Ingiriis iyo Isbaanish.
Waxaa sidoo kale jira buugaagta carruurta oo lagu heli karo luuqadahaan:
Halkaan guji si aad u hesho xog ku saabsan kala hadlida carruurta COVID-19.