Laga bilaabo Maajo 11, 2023, Saraakiisha Caafimaadka Dadwaynaha ee Oregon ayaa meesha ka saaray talaabooyinka kaladuwan ee gurmadka COVID-19 maadaama xaalada degdega ah ee federaalku dhammaatay. Xog badan oo ku saabsan isbadelladii ugu danbeeyay ka fiiri halkaan.

Guriyaynta

Kaalmada Kirada

Ilihii ugu danbeeyay ee guriyaynta:

  • Wac 211 ama 1-866-698-6155
  • Iimeelka help@211info.org — Jawaab ayaad helaysaa 24 saac gudahood
  • Fariin qoraal ugu dir ciwaankaaga boostada lambarka 898211 (TXT211) — Isniinta-Jimce 9am ilaa 5pm
  • Ka fiiri xog dheeri ah barta 211info.org

Khayraadka Kahortaga Takoorka Guriyeynta

Gudiga Guryaha Cadaalada ah ee Oregon waxay leeyihiin bogga xogta kaasoo quseeya sharciga cadaalada guriyaynta ayna ku jiraan sida loo gudbiyo sheegashada takoorka guriyeynta. Bogga waxaa ku jira ilaha gaarka ah ee dadka la nool naafada iyo dadka katirsan LGTBQIA2S+.

Biyaha iyo Korontada

Si lagaaga caawiyo adeegyada guriga, la xiriir:

Caawimaada Sharciga iyo Xuquuqda Kireysteyaasha

Haddii aad heshay ogaysiiska guri ka saarida, u sheeg qareen sida ugu dhakhsaha badan. Adeegyada sharciga ee bilaashka ah ama qiimaha jaban ayaa la heli karaa. Haddii aad ku nooshahay Ismaamulka Multnomah, booqo OregonRentersRights.org si aad xog badan uga ogaato ilaha la heli karo.

Sharciga Baarlamaanka ee 2001 ayaa lagu ansixiyay difaacyada cusub ee kireysteyaasha. Haddii lagugu dacweeyo maxkamada dadka guryaha ka saarta sabab la xiriirta inaad bixin wayday kirada, lacagta heshiiska kirada, ama ama lacagta kale ee uu kugu leeyahay mulkiilaha gurigu, la xiriir Mashruuca Difaaca Kahortaga Guri ka Saarida ee Xarunta Sharciga ee Oregon. 888-585-9638 ama evictiondefense@oregonlawcenter.org. U diyaar garoow inaad noo reebto magacaaga, lambarka taleefanka, taariikhda dhalshada, iyo lambarka kiiska ee ku qoran dukumiintigaaga maxkamada.

Si aad xog badan uga ogaato xuquuqda kireysteyaasha, Isbahaysiga Kireysteyaasha Bulshada ayaa haya bogga ilaha balaaran ay ka helayaan kireysteyaasha ku nool Oregon.

CAAWIMAAD LOO FIDINAAYO MULKIILEYAASHA GURYAHA

Sanduuqa Caawimaada Mulkiileyaasha Guryaha (HAF) ayaa ka caawiya mulkiileyaasha guryaha ee kasoo dib dhacay bixinta dayntii gurigooda iyo qarashaadka kale ee guriga sabab la xariirta aafada cudurka korona fayras. HAF ayaa lagu furi doonaa wajiyo kaladuwan, ayadoo lagu bilaabaayo qayb diirada saaraysa mulkiileyaasha guryaha ee khatarta ugu badan ugu jira in guriga laga qaato ama laga barakiciyo. OHCS waxay hadda aqbalaysaa codsiyadaa ka yimaada mulkiileyaasha guryaha ee Qaybaha 1 iyo 2. Mulkiileyaasha guryaha ayaa dib u akhrin kara xogta kooban ee barnaamijka HAF iyo xaashida xogta u qalmida (oo lagu heli karo af Ingiriis iyo Isbaanish) si ay u go'aansadaan marka ay tahay inay codsadaan.

Kahor intaysan codsan caawimaada barnaamijka HAF, waxaan ka codsanaynaa mukiileyaasha guryaha inay la xariiraan adeeg bixiyahooda iyo/ama lataliyaha guriyaynta ee khayriga ah si ay ugala hadlaan dookhyada degdega ah ee u furan. Mulkiileyaasha guryuhu waa inay sii wadaan inay la shaqeeyaan adeeg bixiyaashooda ama la xariiraan la taliyasha guriyaynta si ay uga caawiyaan helitaanka dookhyada kale ee ay iskaga ilaalin karaan in guriga lagala wareego maadaama maalgelinta HAF ay kooban tahay ayna tahay dookha ugu danbeeya.

Si looga caawiyo mulkiileyaasha guryaha adeegsiga nidaamka codsiga, OHCS ayaa furtay webseed laga helaayo oregonhomeownerassistance.org kaasoo baxsha:

  • dulmarka xogta barnaamijka iyo faa'iidooyinka laga helo

  • shuruudaha u qalmida iyo jadwalka wajiyada barnaamijka

  • ilaha codsiga

  • su`aalaha Inta badan la Isweydiiyo

  • meesha lagala xariiraayo

  • farsamooyinka kahortaga khiyaanada iyo wargelinta

  • caawimaada sharciga iyo xog dheeraad ah